B
BARO ENGLISH ÂŽ
6 Heerar Caalami Ah (CEFR Levels)
🚀
A1 - Asaasiga (Foundation)Biloow Bilaash (Free Preview) ↗
🛒
A2 - ElementaryKu dar Gaari-Iibka (KES 1,500)
🛒
B1 - Intermediate FluencyKu dar Gaari-Iibka (KES 1,500)
🛒
B2 - Upper IntermediateKu dar Gaari-Iibka (KES 1,500)
🛒
C1 - Advanced (IELTS)Ku dar Gaari-Iibka (KES 2,000)
🛒
C2 - Native ExecutiveKu dar Gaari-Iibka (KES 2,500)
Learning Resources & Practice Lab
🎮
Video Challenges30+ interactive tests
🧠
Word Lab & FarmVocabulary speaking AI
📝
Vocabulary (Erayada)Must-know English lexicon
📘
Grammar (Naxwaha)Somali-explained rules
About & Support
â„šī¸
About Baro EnglishPreparing Somalia & East Africa for the World
âœ‰ī¸
Contact Support HubEmail, Phone & Helpdesk
❓
FAQs & System RulesSystem FAQs & Rules
Mobile Apps
📱
Google Play Android AppNative App (com.baroenglish.apps)
🌐
Instant Web App (PWA)One-Click Install â€ĸ <2s Load Time
Pricing Soo Gal
Pricing Soo Gal
📚 Koorsooyinka
🚀
A1 - Asaasiga (Foundation) Biloow Bilaash (Free Preview) ↗
🛒
A2 - Elementary Ku dar Gaari-Iibka (KES 1,500)
🛒
B1 - Intermediate Fluency Ku dar Gaari-Iibka (KES 1,500)
🛒
B2 - Upper Intermediate Ku dar Gaari-Iibka (KES 1,500)
🛒
C1 - Advanced (IELTS) Ku dar Gaari-Iibka (KES 2,000)
🛒
C2 - Native Executive Ku dar Gaari-Iibka (KES 2,500)
📖 Maktabadda
🎮
Video Challenges 30+ interactive tests
🧠
Word Lab & Farm Vocabulary speaking AI
📝
Vocabulary (Erayada) Must-know English lexicon
📘
Grammar (Naxwaha) Somali-explained rules
đŸ›ī¸ Shirkadda
â„šī¸
About Baro English Preparing Somalia & East Africa for the World
âœ‰ī¸
Contact Support Hub Email, Phone & Helpdesk
❓
FAQs & System Rules System FAQs & Rules
📲 App-ka
📱
Google Play Android App Native App (com.baroenglish.apps)
🌐
Instant Web App (PWA) One-Click Install â€ĸ <2s Load Time
Baro English
Ku Saabsan (About) Qiimaha (Pricing) Su'aalaha (FAQ) Degso App-ka
Khayraadka (Resources)
Maktabadda (All) Video Challenges Word Lab & Farm Deeqaha Waxbarasho Waxbarashada Dibadda Imtixaanka IELTS Grammar (Naxwaha) Vocabulary (Erayada) Imtixaanka TOEFL
Grammar (Naxwaha)

Waa Maxay Tense? Sida Loo Fahmo 12-ka Tense Ee Luqadda English-ka

Baro English Team â€ĸ 2026-07-18

Nuxurka (Key Takeaways)

Tense waa sharciga naxwaha ee tilmaamaya waqtiga uu falku dhacay, kaas oo loo qeybiyo Tagay, Jooga, iyo Mustaqbal. Luqadda English-ka waxay leedahay 12 Tense oo kala duwan kuwaas oo udub dhexaad u ah fahamka luqadda, waxaana casharkan si qoto dheer loogu lafa-gurayaa dhammaantood.

Qodobada (Table of Contents)

  • Fahamka Asaasiga ah: Waa maxay Tense?
  • Tusaale Fudud oo Saddexdaas Marxaladood ah:
  • Faaqidaada 12-ka Tense ee Luqadda English-ka
  • A. Waqtiga Joogaha (Present Tenses)
  • B. Waqtiga Tagay (Past Tenses)
  • C. Waqtiga Mustaqbalka (Future Tenses)
  • Farqiga u Dhexeeya Grammar iyo Tense
  • Gunaanad (Conclusion)
  • Haddii aad la socotay casharkeenii hore, waxaan si qoto dheer uga soo hadalnay waa maxay Grammar ama Naxwe. Casharkan, waxaan si gaar ah diiradda u saaraynaa qaybta ugu muhiimsan ee Naxwaha, waana: Waa maxay Tense?

    Dabcan inta badan ardayda Soomaaliyeed waxay aqoon hore u leeyihiin 12-ka Tense ee laga dhigo Private-yada iyo iskuulada ku yaalla Soomaaliya. Inta badan, macalimiintu waxay ardayda siiyaan liis dheer oo u baahan in la xifdiyo, balse casharkan, waxaan si macno qoto dheer leh, oo tusaalooyin nolosha dhabta ah ku salaysan ku fahmi doonaa sida tenses-ka loo adeegsado.

    Fahamka Asaasiga ah: Waa maxay Tense?

    Erayga "Tense" wuxuu ka yimid erayga Laatiinka ah ee 'Tempus', kaas oo macnihiisu yahay Waqti (Time). Nuxur ahaan, Tense-ku waa qaabka aad ku garan karto in jumladu ay ka hadlayso xilli tagay (Past), xilli la joogo (Present), ama xilli iman doona (Future).

    Waa in aad ogaataa in jumlad kasta aad u bedeli karto saddex nooc oo kala ah:

    1. Affirmative (Jumlad wax sheegaysa): Waa jumlad si toos ah kuu siinaysa xog ama warbixin.
    2. Negative (Jumlad wax diidaysa): Waa jumlad dafiraysa ama beeninaysa ficilka.
    3. Interrogative (Jumlad wax weydiinaysa): Waa jumlad su'aal abuureysa.

    Tusaale Fudud oo Saddexdaas Marxaladood ah:

    Aan eegno hal ficil (jiifid) oo saddex siyood loo dhigay iyadoo la isticmaalayo waqtiga joogaha ah ee socda (Present Continuous Tense):

    • Affirmative: I am sleeping on the bed. (Waxaan hurdaa/ku jiifaa sariirta.) – Jumladani waxay ku siisay macluumaad iyo warbixin taagan.
    • Negative: I am not sleeping on the bed. (Anigu kuma jiifo sariirta.) – Jumladaasi waa mid wax diidaysa oo beeninaysa xogta.
    • Interrogative: Am I sleeping on the bed? (Ma sariirta ayaan ku jiifaa?) – Jumladaasi waa mid wax ku weydiinaysa.

    Aan soo qaadanno isla tusaalahaas oo ka hadlaya Waqti Tagay (Past):

    • I slept on the bed. (Waxaan ku jiiftay sariirta.) - Waa jumlad kuu sheegaysa wax hore u dhacay.
    • I had not slept on the bed. (Kuma aanan jiifan sariirta.) - Waa jumlad diidaysa wixii la soo dhaafay.
    • Did I sleep on the bed? (Ma waxaan ku jiiftay sariirta?) - Waa jumlad su'aal ka keenaysa wixii la soo dhaafay.

    Haddii aan u bedelno Waqti Mustaqbal ah (Future):

    • I will sleep on the bed. (Waxaan ku jiifan doonaa sariirta.) - Wax sheegid mustaqbal ah.
    • I will not sleep on the bed. (Kuma jiifan doono sariirta.) - Diidmo mustaqbal ah.
    • Will I sleep on the bed? (Ma sariirta ayaan ku jiifan doonaa?) - Su'aal mustaqbal ah.

    Sida aad u jeeddo, Tense-ku waxa uu xukumaa kaliya Ficilka (Verb) iyo Ficilka Caawiyaha ah (Helping Verb) isagoo ka dhigaya in waqtiga isbedelo.

    Faaqidaada 12-ka Tense ee Luqadda English-ka

    Si aad si buuxda u barato naxwaha luqadda, waa inaad fahamtaa dhammaan 12-ka Tense ee English-ka. Waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo waaweyn: Present (Jooga), Past (Tagay), iyo Future (Mustaqbal). Mid kastaana wuxuu leeyahay 4 farac.

    A. Waqtiga Joogaha (Present Tenses)

    1. Present Simple Tense (Waqtiga Joogaha Fudud) Wuxuu ka hadlaa caadooyinka, xaqiiqooyinka maalinlaha ah, ama waxyaabaha soo noqnoqda.

    • Affirmative: I read a book every day. (Maalin walba buug ayaan akhriyaa.)
    • Negative: I do not read a book every day. (Maalin walba buug ma akhriyo.)
    • Interrogative: Do I read a book every day? (Maalin walba buug miyaan akhriyaa?)

    2. Present Continuous Tense (Waqtiga Joogaha Socda) Wuxuu ka hadlaa ficil xilligan la joogo dhacaya oo aan weli dhammaan.

    • Affirmative: She is cooking dinner now. (Iyadu hadda cashada ayay karinaysaa.)
    • Negative: She is not cooking dinner now. (Iyadu hadda cashada ma karinayso.)
    • Interrogative: Is she cooking dinner now? (Iyadu hadda cashada miyay karinaysaa?)

    3. Present Perfect Tense (Waqtiga Joogaha Dhamaystiran) Wuxuu ka hadlaa ficil dhawaan dhacay, balse raadkiisu wali muuqdo xilligan la joogo.

    • Affirmative: They have finished their homework. (Waxay dhamaystireen shaqadooda guriga.)
    • Negative: They have not finished their homework. (Ma aysan dhamaystirin shaqadooda guriga.)
    • Interrogative: Have they finished their homework? (Miyay dhamaystireen shaqadooda guriga?)

    4. Present Perfect Continuous Tense Wuxuu ka hadlaa ficil soo bilowday waqti tagay, ilaa haddana socda, laga yaabeena inuu sii socdo.

    • Affirmative: We have been studying English for two hours. (Laba saacadood ayaan baranayney English.)

    B. Waqtiga Tagay (Past Tenses)

    5. Past Simple Tense (Waqtiga Tagay ee Fudud) Wuxuu ka hadlaa ficil bilaawday, isla markaana dhamaaday xilli hore.

    • Affirmative: He visited Somalia last year. (Wuxuu booqday Soomaaliya sanadkii hore.)
    • Negative: He did not visit Somalia last year. (Muu booqan Soomaaliya sanadkii hore.)
    • Interrogative: Did he visit Somalia last year? (Miyuu booqday Soomaaliya sanadkii hore?)

    6. Past Continuous Tense (Waqtiga Tagay ee Socday) Wuxuu ka hadlaa ficil socday waqti go'an oo la soo dhaafay.

    • Affirmative: I was watching TV when you called. (TV-ga ayaan daawanayay markii aad i soo wacday.)

    7. Past Perfect Tense (Waqtiga Tagay ee Dhamaystiran) Waxaa la isticmaalaa markii laba ficil ay dhaceen waqti hore, midna uu ka hor dhacay midka kale. Midka hore u dhacay ayaa ah Past Perfect.

    • Affirmative: The train had left before I arrived at the station. (Tareenku wuu baxay ka hor intii aanan imaan saldhigga.)

    8. Past Perfect Continuous Tense Wuxuu tilmaamaa ficil socday waqti dheer oo la soo dhaafay kahor inta uusan ficil kale ku soo dhex dhicin.

    • Affirmative: She had been waiting for an hour before the bus arrived. (Saacad ayay sugaysay ka hor inta uusan basku imaan.)

    C. Waqtiga Mustaqbalka (Future Tenses)

    9. Future Simple Tense (Mustaqbal Fudud) Wuxuu tilmaamaa ficil dhici doona waqti soo socda.

    • Affirmative: I will travel to London tomorrow. (Berrito ayaan u safri doonaa London.)
    • Negative: I will not travel to London tomorrow. (Berrito uma safri doono London.)
    • Interrogative: Will I travel to London tomorrow? (Berrito miyaan u safri doonaa London?)

    10. Future Continuous Tense (Mustaqbal Socon doona) Wuxuu ka hadlaa ficil socon doona waqti go'an oo mustaqbalka ah.

    • Affirmative: This time next week, I will be flying to Dubai. (Xilligan oo kale usbuuca dambe, waxaan u duuli doonaa Dubai.)

    11. Future Perfect Tense (Mustaqbal Dhamaystirmi doona) Wuxuu tilmaamaa in ficil uu ku soo gaba-gaboobi doono waqti go'an oo mustaqbalka ah ka hor.

    • Affirmative: I will have graduated by 2028. (Waxaan qalin jabin doonaa ugu dambeyn 2028.)

    12. Future Perfect Continuous Tense Wuxuu qeexaa ficil socon doona waqti dheer oo mustaqbalka ah, kaas oo soo gaari doona waqti kale oo la cayimay.

    • Affirmative: By next year, I will have been working here for five years. (Marka la gaaro sanadka dambe, waxaan halkaan ka shaqaynayay muddo 5 sano ah.)

    Farqiga u Dhexeeya Grammar iyo Tense

    Haddaba, haddii aad doonayso inaad fahamto Tense, waa un intaas oo la soo koobay laguna faahfaahiyay tusaalooyin. Tense-ku wuxuu xukumaa Helping Verb (Ficilka caawiyaha) iyo Verb (Ficilka asalka ah) oo kaliya.

    Halka, Grammar-ka (Naxwaha guud) uu yahay sharciga weyn ee xukuma dhismaha jumlada oo dhan — sida Magaca (Noun), Tilmaamaha (Adjective), Meel-yaalka (Pronoun), iyo Xiriiriyeyaasha (Conjunctions). Grammar-ku wuxuu maamulaa dhismaha guud, halka Tense-kuna uu ku siman yahay oo kaliya in uu hago ficilka, isagoo ka dhigaya saddexda marxaladood ee aan kor ku soo xusnay.

    Gunaanad (Conclusion)

    Barashada iyo isku-xirka 12-ka Tense waa furaha ugu muhiimsan ee kuu sahlayay inaad si fasaxan ugu hadasho uguna qorto luqadda English-ka. Marka aad garato goorta la isticmaalayo Tense kasta, waxaad si kalsooni leh isugu duba-ridi kartaa fikradahaaga.

    Haddii ay tahay ardayda ku xiran qormooyinka waxbarasho ee Baro English ee loogu talo galay ardayda Soomaaliyeed, waxaad gabaad iyo meel aad si dhab ah wax uga barato ka heli doontaa website-kan. Baro English waxay had iyo jeer u taagan tahay inay gacan ku siiso sidii aad si fudud ugu fahmi lahayd qaybaha ugu adag ee luqadda English-ka. Nagula soo biir safarkan waxbarasho, si aad u noqotid mid luqadda si dhameystiran u barta!

    B

    Baro English Team

    Fact-Checked & Reviewed by Baro English Educators Team

    Sii Akhri (Read Next)

    Waa Maxay Grammar? Fasiraad iyo Faahfaahin

    Waa maxay Grammar? Baro aasaaska naxwaha luqada English-ka, ahmiyadiisa, qeybaha hadalka (Parts of speech) iyo sida ugu fudud ee aad ku dhisato jumlado sax ah.

    Baro Sida Loo Isticmaalo Present Simple Tense (Barashada Naxwaha)

    Baro sida loo isticmaalo Present Simple Tense, shuruucdiisa, goorta la adeegsado iyo tusaalooyin fudud oo kugu caawinaya in aad si sax ah u hadasho.

    B
    BARO ENGLISH ÂŽ

    Manhajka kaliya ee loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed ee bariga Afrika iyo caalamka, si loogu diyaariyo jaamacadaha adduunka (IELTS & TOEFL).

    📞 Help Desk: +254791735033 📧 support@baro-english.com

    📚 Koorsooyinka (Academies)

    • 🌍 🌍 Baro English (CEFR A1-C2)
    • đŸ’ģ đŸ’ģ Baro Computer ↗
    • đŸĻ đŸĻ Baro Swahili Trade Hub
    • 📐 📐 Baro Xisaab (STEM Math)

    📖 Maktabadda (Resources)

    • đŸŽ™ī¸ đŸŽ™ī¸ Speaking Lab AI Accent Match
    • 📘 📘 Grammar & Syntax Rules
    • 📝 📝 Vocabulary Bank
    • 🎧 🎧 Daily Listening Audio Hub

    đŸ›ī¸ Shirkadda & Apps

    • â„šī¸ About Baro English Mission
    • ❓ FAQs & System Rules
    • 📱 Download Google Play App ↗
    • 🌐 Install Instant Web App (PWA)
    Verified Handles: YouTube TikTok Facebook Instagram Telegram
    © 2026 BARO ENGLISH ÂŽ. Preparing Somalia for the World.
    DUNS: 850395156 Corporate Registry: BN-J9S6JB7Y â€ĸ All Global Rights Reserved.