Sawirrada App-ka (Screenshots)
Ku Saabsan Barnaamijkan
Ku soo dhawoow Baro English, app-ka casriga ah ee loogu talagalay in bulshada Soomaaliyeed ay ku bartaan luqadda Ingiriisiga si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee CEFR (European Framework). Haddii aad u diyaar garoobayso jaamacadaha caalamka, imtixaanaadka IELTS & TOEFL, ama aad rabto inaad shaqo wacan hesho, Baro English waa wadadaada guusha!
Qaybaha Ugu Muhiimsan
-
Muuqaalka Casharka
Maalin kasta waxaad helaysaa hal cashar oo cusub (04:00 AM). Waa qeybta ugu muhiimsan ee fahanka casharka oo uu macalinka si toos ah kuugu sharaxayo.
-
Speaking Lab & 100% Privacy
Ku tababar hadalka adigoo aan cabsanayn! Duub codkaaga oo is-barbardhig dhawaaqa macalinka. Codkaaga adiga unbaa maqlaya (Auto-Destroy).
-
Offline & Internet Yari
App-kan waxaa si gaar ah loogu talagalay xaaladda internet-ka. Horumarkaaga waxaa si toos ah loogu keydinayaa mobile-kaaga.